Connect with the Library:

15 talooyinka kor u akhriska la siiyo waalidiinta
ilmaha iyo saanqaadyada

In caruurta kor ugu akhrisid waa shayga keliya ee ugu muhiimsan aad samayn kartid si aad cunugga ugu diyaarisid akhriska iyo barashada. Ololaha Qaranka Kor u Akhriska 15ta DAQIIQO (Read Aloud 15 MINUTES National Campain) wuxuu ku talliyaa in waalidiinta ay caruurtooda kor ugu akhriyaan ugu yaraan 15 daqiiqo malin kasta laga bilaabo marka ay dhashaan.

Waalidiinta waa macalinka kowaad ee ugu muhiimsan cunugaada. Bilow safarka cunugaada idinka oo wax wada barta.

  • Ku faraxsanow! Tani waxay ahaan doontaa wax lagu farxo! Rabitaanka waa wax leysku daarto, hubso in cunugaada uu qaado farxad.
  • Akhri adiga oo muujiya aragtida. Horay u soco! Isticmaal codad. Raaci dhawaaq. Iska dhig nacas… cunugaada wuu jecel yahay sidaas.
  • Tilmaan sawirda kana hadal. Ka dhig wax la yaqaan: “Haye! Taasi waxay u muuqataa sida kubadaada.”
  • Xattaa cunugga dhibka badan wax wuu dhageystaa. Sii buug u gaar ah ay qabsadaan ama shay uu calaajiyo inta aad akhrineysid.
  • Ma baahan yahay cunugga? Waa HAGAAG in aad siisid cunto fudud, ama dhallada nuujinta inta aad kor u akhrineysid. Samee labadaba!
  • Haddii cunugga aan dagganeen ka joojiyo dadaalkaada ugu badan, markaas u hees, ku celceli gabay… kaddibna ku day mar kale.
  • Cunugaada ha gedgediyo bogagga haddii uu awoodo. Muddo kaddib, cunugaada wuxuu baran doonaa dhamaadka buugga kor soo jira, in ay yahiin xarfo waxa aad akhrineysid, in erayada ka bilowdaan bidix una socdaan midig…
  • Caruurta waxay jecel yahiin sawirada lala yaabo. Hel buugaagta laga helo sawirada lala yaabo!
  • Ilmaha yaryar waxay jecel yahiin jaangooyada, cayaarta ereyga, iyo heesaha – sii buugaag badan oo laga helo waxyaabahaan kaddibna fiiri sida caruurta u qaataan luqadda.
  • Buugaagta borarka gaagaaban ee sahlan ayaa u fiican caruurta. Qaar ka mid ah buugaagta ugu fiican waxaa ku qoran dhawr eray keliya.
  • Caadeyso in aad cunugaada kor ugu akhrisid maalin kasta marka cunugaada uu yar yahay. Waxay goor dhaw noqon doontaa qeyb qiimo ku leh maalintaada.
  • Sii shay kala duwan balse isu diyaari ku celcelis. Waxaa fiican buugaag badan – hase ahatee ha la yaabin marka cunugga ku ceshceshado buugga uu jecel yahay.
  • Buugaagta, buugaagta meel kasta iyo waxyaabo badan oo la akhristo. Nafaqee akhristaha. U fududee cunugaada in uu soo qabsado buug.
  • Marka aad kor u akhrineysid, raadso meel kuu roon aan ku sii jeedin doonin.
  • Ku celcelinta waa heer sare – xagga dhageystaha iyo akhristaha. Marka aad samaysid wax badan, waa sii fududaadda.

 

 

Buugaagta TumbleBooks waa sida buugaagta hadasha oo caruurta barta farxadda akhriska, loona sameyay qaab ay caruurta jecel yahiin. Waxaa la sameyaa marka la soo qaado buugaagta sawirada kaddibna waxaa loo yeelaa hadal, dhawaaq, muusiko, iyo akhris si loo soo saaro buugga sawirada elataroonigga aad u akhrin kartid cunugaada ama u dhaaf in uu wax akhriyo.


➤  Heesidda maalinta oo idil!
(Singing Through Your Day)

➤  Dhismaha akhriska hore ee loo adeegsado riwaayadda
(Building Early Literacy Through Play)

➤  15 talooyinka kor u akhriska la siiyo waalidiinta ilmaha iyo saanqaadyada
(Read to Me: Read Aloud Tips for Parents)

➤  Maxuu yahay nooca buugga uu cunugeyga u baahan yahay?
(What Kind of Book?)

➤  Cunug kasta oo diyaar u ah in uu wax ku akhristo maktabkaada
(Every Child Ready to Read @ Your Library)