Heesidda maalinta oo idil!
Muusikada waxay xoojisaa maskaxda, waxay dhistaa xasuusta. Muusikada waxay dhistaa dareen xooggan oo ku saabsan jaangooyada, taasoo u horseeda awood ka sii fiican oo lagu fahmo laguna soo saaro luqadda. Heesta waxay dhallisaa asbaabta, waxay u ogolaata caruurta in ay aqoonsadaan sasaanka taasoo kaalmo ka geysataa xallinta masalooyinka.
Muusikada waxay nagu reebtaa saamayn, waxay baddali kartaa niyadda, waxay kicin kartaa hal abuurka, iyo waxay quwadena ku jeedin kartaa dhaqaaqa ama taagnida.
Waxa Isukeena xera waa muusikada, waxay isu keentaa koox ka kooban dad kala duwan marka ay abuurto waayo la qeybsado.
Muusikada waxay na gelisaa safarka waqtiga iyo caatifadda. Waxay na gaarsiin kartaa meelo fog, ama waxay dib noogu celin kartaa caruurnimadena.
Muusikada waa na dajisaa. Ku celcelinta heesaha isla midka ah waxay caruurta siisaa kalsooni iyo xasuus.
Sidee ayay heesta kaalmo uga geysataa barashada xirfadaha akhriska?
- Caruurta waxay luqadda ku bartaan ku-celceliska, iyo bacdamaa heesaha lagu celceliyo, jaangooyada erayada waxaa galaan gudaha qofka.
- Waxyaabaha keliya aan eray-eray u xasuusano caruurnimada waxay yahiin heesaha iyo qaar ka mid ah jaangooyada.
- Heesta waxay keentaa in si dabiici ah loo dareemo erayada, bacdamaa weedh ama dhawaaq kasta oo ku jirto erayga leedahay qaafiyo ka duwan.
- Caruurta waxay bartaan luqadda afka ka hor inta aysan baranin luqadda qoran, marka haddii ay waxbadan kala kulmaan heesaha, waxay si wanaagsan isugu diyaarin doonaan barashada akhriska.
- Heesta waxay kordhineysaa in ay caruurta wax reebtaan, waxay dhistaa xasuusta, iyo waxay kaalmo ka geysataa koriimada maskaxda caruurta!
- Bacdamaa caruurta dabiiciyan ay jecel yahiin in ay heesaan, ma jiro “tababar,” waa la sameyaa!
Sidee ayaan caruurta ugu kaalmeyn karaa dhismaha akhriska marka la adeegsado heesta?
- Tani waa qeybta farxadda! Iska hees kuna raaxeyso!
- Hees maalinta oo idil. Marka wax badan la heeso, waxaa soo batta manaafacaadka.
- Hees heesahii dhaqanka, taasoo xambaarsan aqoonta hiddahaada iyo luqadda.
- Samee heeso ama ku dar beyd cusub.
- Soo saar heeso ku saabsan raashinka aad karineysid.
- Soo aruuri ama semee qalab soo saara jaangooyo una isticmaal si aad u xoojisid weedha, sii wad ku celcelin joogta ah inta aad heeseysid. Waa la mid sacabka.
- Somali
➤ Heesidda maalinta oo idil!
(Singing Through Your Day)
➤ Dhismaha akhriska hore ee loo adeegsado riwaayadda
(Building Early Literacy Through Play)
➤ 15 talooyinka kor u akhriska la siiyo waalidiinta ilmaha iyo saanqaadyada
(Read to Me: Read Aloud Tips for Parents)
➤ Maxuu yahay nooca buugga uu cunugeyga u baahan yahay?
(What Kind of Book?)
➤ Cunug kasta oo diyaar u ah in uu wax ku akhristo maktabkaada
(Every Child Ready to Read @ Your Library)