Maxuu yahay nooca buugga uu cunugeyga u baahan yahay?
Dhallaanka 0 – 6 bil:
- Buugaagta laga helo sawiro sahlan, waaweyn ama laga helo sawiro midabo nuura
- Buugaagta ka samaysan baakooyinka adag ee lagu tiirin karo gaariga ilmaha
- Buugaagta ka samaysan marrada iyo finiilka (vinyl) ee lala geli karo musqusha ama la dhaqi karo
Dhallaanka 6 – 12 bil:
- Buugaagta ka samaysan boorka “adag” iyo midabada nuura oo la taabto lana dhadhamiyo!
- Buugaagta laga helo sawirada waxyaabaha la yaqaan sida kubaddaha iyo dhallooyinka
- Sawirada yaryar ee ka samaysan blaastiig oo ku saabsan qoyska iyo asxaabta
- Buugaagta blaastiigga ee la isticmaalo waqtiga qabeyska
Saanqaadka 12 – 24 bil:
- Buugaagta laga helo sawirada caruurta ku hawlan waxyaabo caadi ah sida jiifka ama cayaarta
- Buugaagta habeen wanaagsan waqtiga jiifka
- Buugaagta ku saabsan salaanta iyo nabad gelyada
- Buugaagta laga helo ereyo kooban oo ku qoran bog kasta
- Buugaagta laga helo jaangooyada fudud ama qoraalada la saadaalin karo
- Buugaagta xoolaha ee ku saabsan dhamaan noocyada xoolaha
Saanqaadka 2 – 3 sanno:
- Buugaagta ka hadla sheekooyinka fudud
- Buugaagta jaangooyada fudud ay iyaga kor ka xafdin karaan
- Buugaagta waqtiga jiifka
- Buugaagta ku saabsan tirinta, alfabeetada, ama cabbirada
- Buugaagta xoolaha, buugaagta baabuurta, buugaagta ku saabsan waqtiga cayaarta
- Buugaagta ka sheekeeyo jilleyaasha la jecel yahay TVga
➤ Heesidda maalinta oo idil!
(Singing Through Your Day)
➤ Dhismaha akhriska hore ee loo adeegsado riwaayadda
(Building Early Literacy Through Play)
➤ 15 talooyinka kor u akhriska la siiyo waalidiinta ilmaha iyo saanqaadyada
(Read to Me: Read Aloud Tips for Parents)
➤ Maxuu yahay nooca buugga uu cunugeyga u baahan yahay?
(What Kind of Book?)
➤ Cunug kasta oo diyaar u ah in uu wax ku akhristo maktabkaada
(Every Child Ready to Read @ Your Library)